article



Date Published: September 10, 2023 at 11:48 AM


Ereyga waxbarasho wuxuu ka koobanyahy 10 xaraf, “Wax” waa waxkasta oo lagu tilmaami karo inuu yahay shey, “Barasho” wa raacid (Daraasayn) waa wax qof uu ku gaaray go’aan inuu kubixiyo waqti iyo hanti.

Iskusoo wada duuboo waxbarashadu wa gundhiga iyo aas-aaska Aadamaha, Waana kobciyaha maanka iyo maskaxda qofka.

● Muhiimada ay leedahay waxbarashadu?

sida aynu Wada ogsoonahay waxbarashadu waa iftiinka nolosha, Waa hagaha Nolosha, Waa dhisha iyo qaabeeyaha Noloshaada, waana sheyga kaliya ee ay umad kastaa horumar iyo barwaaqo ku gaari karto.

Waxaa lagama maarmaan ah inuu qof kastaa waxbarto si uu unoolaado , una Noqdo qof u tartami kara xaaladaha kala duwan ee nolosha.

Waxbarashadu waxay ka caawin qofka sidii uu nolol fiican ku gaari lahaa oo bulshadana uga dhax muuqan lahaa isaga oo mustaqbalkiisa dhisaya iyo sidii uu himiladiisa u hiigsan lahaa, oo dalkiisa iyo diintiisa wax ugu tari lahaa.

Ugu dambayn Waxbarashadu waa hubka keliya ee aan lagaa xadi karin welibana aad adeegsan karto wakhti kasta iyo xaalad kasta, Waxaana Muhiim ah inuu qof waliba wakhtigiisa uga Faa,ideeyo inuu wax cusub barto si uu Naftiisa , bulshadiisa iyo dalkiisaba horumar ugu hogaamiyo.~